Sharciyeynta ama ilaalinta xuquuqda shaqada.

Laga bilabo 1da juun 2020 ilaa 15ka Luulyo 2020 waxaa suuro gal ah lana ogoladay in aad dalban karto sijoorno shaqo mid ka mid ah shaqooyinka hoose hadaa heyso:

  • a)Beeraleey,Xanaaneynta xoolaha,Kaluumeysato iyo shaqoyinka nucas ah
  • b)Caawinada dadka
  • c)Shaqalaha guryaha ama cidaha u shaqeyo

Waxa dalban karo:

  1. wuxu dalban kara in uu diiwaan galiyo qof marki hore suuq madoow ugu shaqeenayay, qofka uu diiwaan galinayo waa qasab in uu mariyaa baaritaan caafimaad, waa qasab qofka ajnabiga ah ee la diiwaan galinayo in uu wadanka joogay inti ka horeysay 8da maarso ee sanadkaan uusana ka bixin wadanka intii ka danbeysay xiligaas.
  2. Ajaanibta shisheeye: Ajaanibta eey ka dhacday sijoornada 31 oktoobar 2019 oo anan helin qaab eey ugu badashan sijoornadooda mid shaqo hada waxey dalban karaan mid lix bilood ah oo ku eg wadankaan gudihiisa laguna dhoofi karin lakiin lagu shaqeen karo , waa qasab in aad wadanka joogtay kahor 08 maarso 2020 heysatana mid ka mid ah shaqooyinka kor ku xusan.

Hadii Ajnabiga uu 6daas bilood ku helo shaqo sharciyeysan kana mid ah ( Beraha, xananada xoolaha, caawinta wayelada ama dadka neefada ah ama shaqaale guri ) waxaa uu ku badalan kara sijoornada shaqada

Qaabka loo dalban karo oo sharaxan waa qaabka eey u sheegtay wasarada arimaha fudaha- Wana :

  1. Xafiiska laga xareesto dacwadaha
  2. Kastuurada oo aad ka qadaneyso sijoornada 

Adeega waxa ku baxayo lacago kala duwan qeybta ugu horeysana waa 500€ oo laga rabo qofka ama hirkada aa u shaqeeneysid hadiise uu dalbado qofka ajnabiga ah si toos ah waxa laga rabaa 160 €

Codsiigaada waala didi karaa hadii?

Uu yahay maamulkaga qof 5ti sano ee u danbeyso galay danbi ah shaqeele uu gumeestay, Muqalasnimo, dad uu ku qasbay in eey jirkooda ka ganacsadaan, ama caruur uu ku qasbay shaqo eysan ka bixi karin tabar ahaan ama dhaqan ahaanba.

Maamulaha uusan kaa diiwaan galin xafiiska qaabilsan diiwan galinta ajaanibta ama uusan kuu sameen kontoraad sharciyeysan.

Maloo ogolo kumana jiraan dadka loo ogolaan karo ajaanibta lagu xukumay in laga musaafuriyo dalka, ama galay danbiyo waa weyn oo eey goaamisay maxkamad sare ahna goanki ugu danbeeyay.

Looma ogolo ajaanibta looga baqaayo ineey dhib ku yihiin bulasha taasoo laga tixraacayo danbiyada ey galeen .

Laga bilaabo waqtiga uu hirgalay sharcigaan ilaa uuka dhamaado waxaa la hakiyay in la xukumo maamulka shaqada ama shaqalahaba ee suuqa madoow ku shaqeenayay:

  1. Dhamaan shaqalaha loo dalbay diiwan galin saxan
  2. Kuwa kuso galay ee joga wadanka si sharci daro ah.

Inta eey socoto diwaan galinta ama sharicyeynta shaqalaha ajnabiga ah lagama musaafurin karon wadanka hadii uusan geysan danbi aad u weyn.

Warbixinta ku xusan qoraalkaan laguma dari karo wax been abuur ah waxeeyna u dhigantaa sharci saxa, wixi war bixin ah kala xiriir nambarka bilaashka ah 800905570.

Your Website Title
Ero Straniero

Ero Straniero Facebook

You may also like...

Af Soomaali
Italiano English (UK) Français አማርኛ العربية বাংলা 简体中文 Español ਪੰਜਾਬੀ Русский Shqip ትግርኛ اردو Wolof Af Soomaali