QAXOOTIGA

Faafida cudurka cusub ee Coronavirus (COVID-19) waxa la xakameeyay in la dalbado qaxootinimo ama la cusbooneysiiyo sijoornooyinka dhacsan, si aad u ogaato waxa is badalo kala soco wax walba oo cusub halkaan.

DIB U CUSBOONEYSIIN Waqti kordhin sharciyeenta

Waxaa la kordhiyay ka bilaabato 15ka luulyo ilaa 15ka agoosto 2020 waqtigi la dalban karay sharciyeenta cusub eey dolada
Wixi aqbaar intaas dheer kala soco qoraalka halkaan: questo articolo.

JumaMap – COVID-19 in Italy · [PULAR] Proroga Regolarizzazione
JumaMap – COVID-19 in Italy · [SONINKE] Proroga regolarizzazione

JumaMap – COVID-19 in Italy · [BAMBARA] Proroga Regolarizzazione

Sharciyeynta ama ilaalinta xuquuqda shaqada.


DIB U CUSBOONEYSIIN Waqti kordhin sharciyeenta 16/06/2020
Waxaa la kordhiyay ka bilaabato 15ka luulyo ilaa 15ka agoosto 2020 waqtigi la dalban karay sharciyeenta cusub eey dolada .

Laga bilabo 1da juun 2020 ilaa 15ka Luulyo 2020 waxaa suuro gal ah lana ogoladay in aad dalban karto sijoorno shaqo mid ka mid ah shaqooyinka hoose hadaa heyso:

  • a)Beeraleey,Xanaaneynta xoolaha,Kaluumeysato iyo shaqoyinka nucas ah
  • b)Caawinada dadka
  • c)Shaqalaha guryaha ama cidaha u shaqeyo

Waxa dalban karo:

  1. wuxu dalban kara in uu diiwaan galiyo qof marki hore suuq madoow ugu shaqeenayay, qofka uu diiwaan galinayo waa qasab in uu mariyaa baaritaan caafimaad, waa qasab qofka ajnabiga ah ee la diiwaan galinayo in uu wadanka joogay inti ka horeysay 8da maarso ee sanadkaan uusana ka bixin wadanka intii ka danbeysay xiligaas.
  2. Ajaanibta shisheeye: Ajaanibta eey ka dhacday sijoornada 31 oktoobar 2019 oo anan helin qaab eey ugu badashan sijoornadooda mid shaqo hada waxey dalban karaan mid lix bilood ah oo ku eg wadankaan gudihiisa laguna dhoofi karin lakiin lagu shaqeen karo , waa qasab in aad wadanka joogtay kahor 08 maarso 2020 heysatana mid ka mid ah shaqooyinka kor ku xusan.

Hadii Ajnabiga uu 6daas bilood ku helo shaqo sharciyeysan kana mid ah ( Beraha, xananada xoolaha, caawinta wayelada ama dadka neefada ah ama shaqaale guri ) waxaa uu ku badalan kara sijoornada shaqada

Qaabka loo dalban karo oo sharaxan waa qaabka eey u sheegtay wasarada arimaha fudaha- Wana :

  1. Xafiiska laga xareesto dacwadaha
  2. Kastuurada oo aad ka qadaneyso sijoornada 

Adeega waxa ku baxayo lacago kala duwan qeybta ugu horeysana waa 500€ oo laga rabo qofka ama hirkada aa u shaqeeneysid hadiise uu dalbado qofka ajnabiga ah si toos ah waxa laga rabaa 160 €

Codsiigaada waala didi karaa hadii?

Uu yahay maamulkaga qof 5ti sano ee u danbeyso galay danbi ah shaqeele uu gumeestay, Muqalasnimo, dad uu ku qasbay in eey jirkooda ka ganacsadaan, ama caruur uu ku qasbay shaqo eysan ka bixi karin tabar ahaan ama dhaqan ahaanba.

Maamulaha uusan kaa diiwaan galin xafiiska qaabilsan diiwan galinta ajaanibta ama uusan kuu sameen kontoraad sharciyeysan.

Maloo ogolo kumana jiraan dadka loo ogolaan karo ajaanibta lagu xukumay in laga musaafuriyo dalka, ama galay danbiyo waa weyn oo eey goaamisay maxkamad sare ahna goanki ugu danbeeyay.

Looma ogolo ajaanibta looga baqaayo ineey dhib ku yihiin bulasha taasoo laga tixraacayo danbiyada ey galeen .

Laga bilaabo waqtiga uu hirgalay sharcigaan ilaa uuka dhamaado waxaa la hakiyay in la xukumo maamulka shaqada ama shaqalahaba ee suuqa madoow ku shaqeenayay:

  1. Dhamaan shaqalaha loo dalbay diiwan galin saxan
  2. Kuwa kuso galay ee joga wadanka si sharci daro ah.

Inta eey socoto diwaan galinta ama sharicyeynta shaqalaha ajnabiga ah lagama musaafurin karon wadanka hadii uusan geysan danbi aad u weyn.

Warbixinta ku xusan qoraalkaan laguma dari karo wax been abuur ah waxeeyna u dhigantaa sharci saxa, wixi war bixin ah kala xiriir nambarka bilaashka ah 800905570.



Your Website Title




Ero Straniero

Ero Straniero Facebook



JumaMap – COVID-19 in Italy · [BAMBARA] Regolarizzazione ed emersione rapporti di lavoro

JumaMap – COVID-19 in Italy · [PIDGIN ENGLISH] Regolarizzazione ed emersione rapporti di lavoro

JumaMap – COVID-19 in Italy · [SONINKE] Regolarizzazione ed emersione rapporti di lavoro

JumaMap – COVID-19 in Italy · [PULAR] Regolarizzazione ed emersione rapporti di lavoro

Warbixin xalada deg dega ah ee COVID-19 iyo qababka loo dalban karo qaxootinimada calamig ah.

Arinka Cudurka COVID-19 wa mid garay Italiya iyo dunida inteda badan

Si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada wa muhiim in qof wlba uusan ka bixin mesha uuku noolyahay, sabab ka baxsan caafimaad, shaqo iyo baahi muhiim ah.

wixi intaas dheer waxa la kulmeysa ganaax adag.

Si loo xakameyo in uu faafo cudurka waxa la amray shuruudo badan tasoo qasabtay in la xiro goobihi intefiyuuga lagu qaadi lahaa.

1. Ma waxaad dalban rabta qaxootinimo?

Dhamaan xafiisyada wey xiran yihiin , hadiise aad deg deg u tahay tag Kastuurada kugu dhaw wey ku diiwan galineysa lakin arinkaga horay lagama furaayo waxadna sugi donta inta lagaso waco.

2. Ma sugeysay in lagasoo waco komishanka, mise laheed balan waqtigan uu xiranyahay?

Si loo xamakeeyo fidida cudurka, Dhamaan waxa xiran xafiisyadi komishanka, marka eey arinkaan dhamaato waxa kulasoo xiriiri doono komishanka sidi eey marki horeba balanka kuguso direen.

Ogsoonow komishanka waxa uu kalasoo xiriiri doonaa adreski ugu danbeyay ee aad dhiibtay, xasuusnow hadii aadan ku jirin xero qaxooti wa inaad ku qorta magacada albabka guriga aad degantahay.

3. Ma sugeysay jawaabta interfiyuugi aad martay?

Waxaad heli doonta sida ugu dhaqsaha badan markey macquul noqoto jawabtada.

Hadii dhawan eey kuso gaartay jawabta oo aadan weli tagin kastuurada sug inta xalada deg dega ah laga baxayo.

Hadii adan ku qanacsaneen jawaabta lagu siiyay oo aad rabtid in aad ka dacwootid ogsoonow waxaad heysata waqti dheraad ah oo aad kaga dacwoon karo, marka hore lasii xiriir email ahan ama telefoon looyarkaga kadibna marku arinkan dhamado dacwadada gudbiso.

4. Ma waxaad rabta war bixin dherad ah mise inaad dokumentiyaal gaarsiiso Maxkamada?

Dhaman waxa xiran xafiisyada, welise waxaad kusoo hagaajin kartaa ciwanada hoos ku xusan. , midkii kuu sahlan.

Saxnimada ogolaanshaha deganaanshaha

Ayada oo la tix raacayo sharciga”Daawe Talyaniga” waxa lagula socodsinaya in dhaman Sijoornooyinka eey cusbooneysiisan yihiin ilaa 31ka Agoosto 2020. 31ka Agoosto 2020..

Kordhinta waraaqaha aqoonsiga

Dhamaan sharciyada ey aqoonsantahay dowlada talyaniga oo waqtigi gooda dhicitaanka la gaaray ama dhici rabo waxa loo kordhiyay waqtiga laga bilaabo 18ka bisha 3aad ilaa 31dabisha 8aad 2020, taariqda waxa kusii qornaanayo midi hore laakiin sharciyan waa laguu kordhiyay. Sida ku xusan qodobka (Art. 104 Dl Cura Italia)

SHARCIYADA WAA KUWEE?

KAARKA DAGANAANSHAHA

Waxaa hoos imaado dhamaan sharciyada hoos ku xusan, Kaarka dagananshaha, kan la siiyo dadka waa weyn ee da’adooda eey dhaaftay cimrigi shaqada, kan cadeenaayo shaqalaha dowlada, Kaarka askarta iwm , waa qasab in uu yahay kar laga sharciyeeyay xafiis dowladeed lehna sawir cadenayo qofka aad tahay.

Xarunta Socdaalka ee Booliska Socdaalka - Oggolaanshaha deganaanshaha, xarunta booliiska ayaa looga yeeray

OGEYSIIS - MADAXWEYNAHA Degenaanshaha, U dir DUGSIYADA QUESTURA
Raacitaanka Sharciga Sharciga. N. 9 ka 2 Maarso, wicitaanada xarunta booliska, ee la helo waqtiga gudbinta dalabyada dukumiintiyada daganaanshaha, dib ayaa loo dhigi karaa taariikh kastoo taariikhi ah waxaa lagaraaci doonaa sms. Kahor intaanan aadin saldhigga booliiska, waxaan kugula talineynaa wadatashiga '' Portal Portal '- https://www.portaleimmigrazione.it/adoo ku xaqiijinaya magaca isticmaalaha iyo erayga sirta ah ee Xafiiska Boosta Sportello Amico si uu u soo bandhigo codsiga, si loo hubiyo taariikhda kulanka.

Ogeysiis

INFO Dhammaan Xafiisyada Socdaalka ee xarunta booliiska ee cusboonaysiinta iyo bixinta ogolaanshaha deganaanshaha si ku meel gaar ah ayey dadweynaha ugu xiran yihiin.
Kaliya xisaabiyeyaasha soo gudbinta dalabka magangalyada caalamiga ah (codsiga magangalyada) ayaa furan.

Xigasho: Wasaaradda Arimaha Gudaha

DUKUMENTIYADA

VIDEO

podcast

Af Soomaali
Italiano English (UK) Français አማርኛ العربية বাংলা 简体中文 Español ਪੰਜਾਬੀ Русский Shqip ትግርኛ اردو Wolof Af Soomaali